DHAGEYSO:-Gudoomiyaha Marka Yariisow: “Amisom Iney Leyso Shacabka Marko Waxaa Ka Mas’uul ah DF-KA”

34394017

Maxamad Yariisow oo sheegtay inuu wali yahay gudoomiyaha magaalada Marko ee DF ayaa sheegay in magaalada Marko uu ka dhacay xasuuq daran kasoo ay mas’uuliyadiisa dhabarka u ridaneyso DF.

Wuxuu sheegay in ciidamada shisheeye ay si arxan darro ah u laayeen dadka shacabka ah ee aanan waxba galabsan, waxaana iigu yaab badnaa buu yiri’ dad ay calooshooda bannaanka taallo iyo kuwa kale oo shisheeyuhu dileen.

Qoysas badan oo reer Marko ah ayaa billaabay iney magaalada isaga barakacaan, xilli horey ay dad badan uga hayaameen magaalada.

Mgaaladan ayaa waxaa ragaadiyay dagaal qabiileedyo ay soo abaabuleen ciidamada shisheeye iyo xasuuqa joogtada ah ee uu shisheeyaha qudhiisa geysto.

Shacabka ayaa waxay dib u gocanayaan muddadii ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab magaalada maamuleysay, xilligaasoo ay ku noolaayeen nabad, cadaalad, horumar iyo daganaan.

Halkan Ka Dhageyso Maxaamd Yariisow

Voice Of Somalia-Somali Leaks