Sheekh Muxamad Mucallim Abuu Xafsa oo kamid ah culimada diinta islaamka ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkii Xabashida Itoobiya ee waalida ku dhisnaa uu wax iska badalay kadib markii ay indhohooda ku arkeen go’aanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Sheekhu waxa uu sheegay in Xabashidu ay waagii Maxaakimta wax ka yar usbuuc dalka ku qabsatay, haddana ay muddo lix maalmood ah la rafaneyso qabsashada labo magaalo oo ay markii horaba u dhawaan, taasoo Allaah kadib ay u sabab tahay iyadoo markii ay tallaabo qaadaanba la weerarayo.
Isagoo soo bandhigaya tusaalooyin iyo arimo kale oo ay kamid tahay sababta ay Xabashi, Kenyaan iyo Mareykan isla wada socda duullaanka u qadeen, ayuu dhanka kale baaq u diray guud ahaanba dadka muslimka ah ee Soomaaliyeed.
HOOS KA DHAGEYSO
Halkan ka dhageyso Sh Abuu Xafsa oo ka hadley Tabar darida Ciidanka Itoobiya
Voice Of Somalia-Somali Leaks