DHAGEYSO:-BBC “Duullaanka Ciidanka Itoobiya Ee Diinsoor iyo Baardheere Waxaa Lacag looga raadsanayaa Obama”

Warbaahinta Bariga Afrika ayaa si wayn u hadal haysa duullaanka cusub oo ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ku qaadeen gobollo dhaca Koonfur galbeed Soomaaliya.

11017735_1589656324629844_409629705234643981_n

Idaacadda BBC-da oo soo xiganaysa wargeys kasoo baxay bariga Afrika ayaa sheegtay in dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay kumanaan kun oo ciidan ah ku weerareen degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor oo ay horay horay umaamulayeen xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

Warbixinta waxay sheegaysaa in ciidamadan aysankamid aheyn waxa loogu yeero howlgalka AMISOM balse ay yihiin ciidan la doonayo in dhaqaale looga raadsado Brack Obama hoggaamiyaha Mareykanka.

 Dowladda Itoobiya oo muddo bila ah aan helin lacagihii mushaarka ahaa ee magaca AMISOM ay heli jirtay ayaa la sheegay in qabsashada Baardheere iyo Diinsoor ay hadiyad uga dhigto Obama kadibna ay xoogaa lacag ah ka hesho mareykanka.
Voice Of Somalia-Somali Leaks.