Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa dad shacab ah ku xasuuqa degaano hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.
Waarka horudhaca ah ayaa sheegaya in dayuuradaha Xabashidu bar tilmaameedsadeen gawaari dad shacab ah saarnaayeen oo marayay inta u dhaxaysa Dalandoole iyo Sigle.
Xogta horudhaca ah ayaa in warameysa in tobannaan shacab ah oo u badan caruur iyo haween ayay halkaasi ku laayeen iyadoo ay jiraan dad dhaawac ah oo xaaladoodu aad u liidato.
Xabashida ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay gaaray xanuun kadib markii ciidamadooda lagu gumaaday furimaha dagaalka, waxaana astaamaha ka marqaati kacaya jabkooda muujinaya filimkii ay maalintii ciida soo saartay mu’asasada Al-kataa’ib oo ah garabka war baahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Itoobiyaanka ayaa caan ku ah falalka wuxuushnimada, waxaana marka aad aragto habka ay u dhaqmayaan soo xusuusaneysaa Tataarkii iyo gumaadkii ay kula kici jireen muslimiinta.
Dadka Soomaaliyeed ee ay gumeysato kuna dhaqan Soomaali galbeed, waxay gaarsiisay dullinimo meeshii ugu liidatay kadib markii ay xasuuqa iyo kufsiga kusii laba jibaartay.
Sheekh Xayaakallaah oo kamid ah culimada diinta islaamka ayaa sheegaya inuu jiro feker ay Xabashidu aaminsan tahay oo ah in haddii dadka shacabka ah la xasuuqo ay isku dhiibayaan, wuxuuna tusaale usoo qaadanayaa habka ay kula dhaanto Soomaalida la gumeysto.
Halkan Ka Dhageyso Sh Xayaakallaah.lite
Voice Of Somalia-Somali Leaks