Faarax Macalin oo ahaa jiray gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya siyaasadana ad ula socda ayaa sheegaya in Itoobiya ku shaqeysanayso laba weji oo midna yahay kirishtaanimo midka yahay aragaxiso la dirir sidaas aawgeedna ay isku dhaw yihiin iyada iyo dowladda maraykanku.
kadib socdaalkiisa Kenya Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama waxaa lagu wadaa in uu u dhoofo dalka Itoobiya si uu ula xaajoodo madaxda dalkaasi.
Qodobada ugu horeeya ee laga wada hadlayo waxaa ka mid ah gaancsiga Maraykanka ee qaaradda afrika iyo la dagaalkanka Xarakada Mujaahidiinta Alshaab oo ah awood muuqata oo Bariga Afrika ku sii baaheysa.
Itoobiya ayaa weligeedba waxay xariir la lahayd cidda ugu tabar roon dowladaha reer galbeedka iyadoo hadafkeedu yahay in garab lagu siiyo gumaadka Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida oo ay cadawgeeda koowaad u aragto.
Voice Of Somalia-Somali Leaks