DHAGEYSO:-Nolosha Soomaalida Itoobiya Gumeysato iyo siday ka rabto Gayiga Soomaaliyeed.

34426323

Itoobiya waxay ummada Soomaaliyeed ka heysataa dhul aad u ballaaran oo ay malaayiin ruux ku nool yihiin, waxaana ka jira gumeysi aad u daran.

Gumeysiga lagu hayo ummada Soomaaliyeed ayaa ka duwan kuwa badan oo muslimiinta caalamka loo geysanayo sida Miyanmar, Filastiin iyo meelo kale, waayo waxaa la diiday in saxaafaddu tabiso oo hey’adaha booqdaa.

Soomaalida la gumeysto waxay noqdeen kuwa ay adag tahay in muslimiinta caalamka war iyo wacaal ka helaan.

Itoobiyaanka ayaa caan ku ah falalka wuxuushnimada, waxaana marka aad aragto habka ay u dhaqmayaan soo xusuusaneysaa Tataarkii iyo gumaadkii ay kula kici jireen muslimiinta.

Dadka Soomaaliyeed ee ay gumeysato kuna dhaqan Soomaali galbeed, waxay gaarsiisay dullinimo meeshii ugu liidatay kadib markii ay xasuuqa iyo kufsiga kusii laba jibaartay.

Sheekh Xayaakallaah oo kamid ah culimada diinta islaamka ayaa sheegaya inuu jiro feker ay Xabashidu aaminsan tahay oo ah in haddii dadka shacabka ah la xasuuqo ay isku dhiibayaan, wuxuuna tusaale usoo qaadanayaa habka ay kula dhaanto Soomaalida la gumeysto.

Voice Of Somalia-Somali Leaks