Dowladda federaalka ah ayaa daboolka ka qaaday in ay ka dhigan tahay burcad boob ku haysa hantida guud iyo midda shacabkaba.
Nuur Jimcaale Faarax oo hanti dhowr ugu magacaaban Maamulka Xasan Sheekh hogaamiyo ayaa tilmaamaya in uu jiro dhul laga iibiyay hay’ado iyo shaqsiyaad geesta kalena dad shacab ah dhulkoodii qori caaradii looga qaatay dabeedna la iibsaday.
wuxuu sidoo kale sheegay in shaqsiyaad aan buuxin sharuudihii looga baahnaa oo aan cid la tartantay jirin la siiyay qan daraasyo, tusaale ahaana wuxuu tilmamay in dekedda ay kunteenarada hal nin oo keliya uga soo degaan.
Nuur ayaa qiray in la iibiyo ciidda iyo dhagaxa wax kale iska daaye oo shirikad Turki ahu ka faa’iideysato.
dowladda xasan sheekh ayaa dalka ka dhigtay xaraash iyo xoolo jaban waxaanay si guud ugu gacan gelisay dowlado shisheeye oo waxay rabaan dalka keena waxay rabaana ka dhoofsada.
waxaa intaas dheer in ciidamada shisheeye qofkii ay doonaan loo soo qabto amaba ay iyago soo xirtaan marka laga soo tago dadka ku nool meelaha shareecada Islaamka lagu Maamulo ee Mujaahidiintu difaaca u yihiin.
Halkan ka dhageyso Warbixin Musuq-maasuqa Dowladda Federaalka ah.lite
Voice Of Somalia-Somali Leaks