DHAGEYSO:-Haddey Ceeb Wax Disho Isagaa u Dhiman Lahaa “Waan Fashilinay”

34433683

Markii uu dhacay weerarkii hotel Jaziira, waxa uu qof kastaahi dareemayay in la beegsaday dad isugu jira ajaanib iyo DF-ka.

Marka uu qof walbaahi arko burburka gaaray hotelka waxa uu dareemayay in weerarku najaxay islamarkaana uu jiro khasaare badan oo gaaray dhinacyadii la beegsanayay.

Dhowr qofood oo aan la xiriiray ayaa ii xaqiijiyay in ay jiraan safaarado burburay iyo dib lumaasiyiin dhintay.

 Iyadoo ay sidaa tahay ayaa waxaa DF-ka kasoo baxay war lala yaabay oo si indho la’aan ah u inkiraya khasaaraha.

Sidaa darteed ayaan isku howllay inaan bulshada dareensiiyo xishood la’aanta dowladda anigoo waliba muujiyana sida uu saxaafadda ula dhaqmay wiilka u hadla BS-ta ee lagu magacaabo Maxamad Yuusuf.

Ninkan ayaa waxaa uu maalintii dorraad saxaafadda u sheegay in ay ka shireen sidii looga hor tagi lahaa weerarada hoteelada, ayna ka gaashaanteen.

Maalintii xigtay shirkaas uu sheegay, waa shalay oo la og yahay wixii ka dhacay hotelka Jaziira.

Fadeexad ayey laamaha ammaanka ku ahayd in iyagoo kulmay oo ka hadlay ammaanka hoteellada haddana la beegsado kii ugu ajaanibta badnaa.

Intaa waxa dheer oo haddana fadeexad ku ah DF-ka hadaladii uu shalay ku hadaaqay Maxamad Yuusuf, kaasoo afka ku balballaariyay in uusan jirin wax diblumaasi ah oo ku dhintay, xilli dowladda shiinaha ay xaqiijineyso in dib lumaasi looga dilay.

Halkan ka dhageyso Max’med Yusuf MP3

Sarkaal ka tirsan DF oo magaciisa u qariyay sababo ammaan ayaa sheegay in afhayeenada dowladda aa ay lahayn xirfad u qalanta shaqooyinka loo dhiibay, wuxuuna sheegay in haddii ceeb loo dhimanayo uu u dhiman lahaa Maxamad Yuusuf.

https://www.tumblr.com/dashboard

Voice Of Somalia-Somali Leaks