Cabsida ay qabaan Dowladda federaalka ah iyo shisheeyaha Xamar degan aya sii korortay kadib weerarkii hotel Jaziira ee qasaaraha badan dhaliyay.
Waxa meesha ka baxay aaminkii lagu qabay inay difaac noqo karaan dhagxaan Geel fa fadhiya ka waaweyn oo ku gadaaman hotelada iyo goobaha kale ee aad loo ilaaliyo.
Aqoonyahan Maxamed Xasan oo Muqdsiho jooga ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ku sheegay in ay u badan tahay siyaasiyiintii iyo xubnihii kale ee hotelka deganaa badankood in la geeyay dhismaha Xalane ee ciidamada shisheeye xarunta u ah.
Wuxuu intaas ku daray in iminka uu jiro isku day la xariira in hotelka dib loo howl geliyo.
Weerarka oo ahaa mid naf hurnimo ah oo ay fulisay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxaa ku dhintay 38 roox oo toban ka mid ah ay ajaaniib yihiin kuwaasoo u badan shiineys iyo kenyaati.
Waxaa ku dhaawacmay 70 ruux oo sadax ka mid ah ajaaniib tahay inta la arkay.
Waxaa ku gubtay in ka badan 10 gaadiidka qaaliga ah ee shisheeyuhu isticmaalaan u badan .