DAAWO SAWIRO:-Madaxda DF-ka Oo Isku Bedeshay Tabeeleyaal Wax Lagu Xayaysiisto!!.

Cabdiraxmaan Tuuryare oo hogaamiya ciidanka Nabad sugidda Muqdisho, oo bulshadu u taqaano (Ashahaado la dirirka) ayaa si aad ah loogu bahdilay magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose.

Saraakiisha Kenya ayaa geeyay goob ay yaallaan boorar lagu xayaysiinayo shirkadaha Kenya, si sawirrada laga qaado ay xayaysiis ugu noqdaan xawaaladohooda, dhanka kalana ay u muujiyaan in ay usoo guureen Kismaayo.

 Sida laga dheehan karayo muuqaalkiisa oo laga sii dayay warbaahinta DF, waxaa gadaashiisa ka muuqanaya magaca xawaalad Kenyaan ah, oo lagu magacaabo MPESA, taasoo lagu Isticmaalo Shirkadda taleefoonada ee Safaricom lana mid ah Xawaaladaha taleefoonada Soomaalida sida EVCplus.

Waxaa la yiraahdaa hal sawir wuxuu ka wax sheeg badanyahay kun eray oo la qoro ama la aqriyo, sidaa darteed waxa uu sawirkan qof walba u muujinayaa in Kenya dooneyso in ay meesha ka saarto xawaaladaha iyo shirkadaha Soomaalida ee ka furan Kismaayo.

Sidoo kale Sawirkan ayaa ka marqaati kacaya jaahilnimada Tuuryare oo gaartay heer ay saraakiisha Kenya ka dhigtaan Tabeelle ay wax ku xayaysiistaan, waxaa taa kasii daran warbaahinta DF oo aan lahayn aqoon ay uga fiirsadaan wax ka dhalan kara wararka iyo muuqaalada ay sii daynayaan.

Tuuryare oo kaliya ma ahan dadka ay shisheeyuhu u isticmaalaan xayaysiiska, waxaana jirta in marar badan warbaahinta DF laga sii daayay muuqaal muujinaya madaxweyne Gurguurte oo xayaysiinaya lacagta dowladda Mareykanka.

Qore: Jaamac Dhoore.