DHAGEYSO:-Xasan Sheekh oo Muujiyay Damaciisa ah Inow Xilka Loo Kordhiyo.

34448288

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha DF ayaa muujiyay hamigiisa ah, in marka la gaaro 2016 xilka loo kordhiyo. Wuxuu sheegayaa  in ay jiraan wejiyo badan oo u furan oo ay xil kordhintu ku jirto, asigoo sidoo kalena meesha aan ka saaran in nooc doorasho ah dhici karto oo ka duwan habkii uu horay u ballaan qaaday.

DF waxay horay u sheegtay in doorashadii la filayay in ay dhacdo 2016 marka la gaaro ee ahayd in qof walba codkiisa dhiibto aanay suura gal ahayn.

Hadalkan ayuu madaxweynuhu ka jeediyay shirka shalay ka furmay magaalada Muqdisho ee ay qeybta ka yihiin ururada iyo dowladaha shisheeye ee fara galinta ku haya Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso Xassan Sheekh

Voice Of Somalia-Somali Leaks