Dagaalo ka kala dhacay deegaano ka kale tirsan gobalada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa ciidamada Itoobiya looga dilay in ka badan lixdan askari, sida ay sheegaan ilo xog ogaal ah.
Dagaalada oo shalay dhacay, ayaa waxaa la sheegay midkood in ciidamada Shabaabku la beegsadeen ciidamada Itoobiya oo marayay degaanka lagu magacabo Shabbaax ee u dhaxeeya Maalin Nugur iyo Ceel lahelay oo gobalka Galgaduud ka tirsan.
Sidoo kale inta dhexeysa Ceeldheer iyo Maddaa oo ka tirsan Galbeedka Hiiraan, aya waxaa ka dhacay dagaal xoog leh oo Itoobiyaanka ka dhan ah, waxaana halkaa ku gaaray khasaare xoog leh.
isu geyn dhimashada ayaa gaareysa lixdan askari, waxaana jira gaadiid Itoobiyaanka laga gubay iyo kuwo laga qabsaday iyo hub laga furtay. Sidoo kale waxaa jira askari Amxaar ah ooh awl gal gaar ah lagu dilay kana dhacay Diinsoor afkeeda. Tani waxa ay dharbaaxo xoog leh ku thaay askarta Itoobiya ee soomaaliya duulaanka ku sooq aaday.
Voice Of Somalia-Somali Leaks