Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo ka hadlay xaalada siyaasada Soomaaliya maanta iyo khatarta laga filan karo fashilka lasoo gudboonaaday Dowlada Federaalka oo sheegtay inaan dalka Doorasho ka dhici karin ayaa ugu baaqay ummada Soomaaliyeed inay ka wadatashato sidii looga hortagi lahaa “…Siyaasada aan Madax iyo majaha lahayn oo waxa wada ay tahay IIMAAN-DARO…hadii aan laga tashan waxa ka socda Muqdisho waa inay diyaar u noqdaan…..”
Waxaa isa soo taraya cambaareynta loo jeedinayo hogaanka xukuumada Federaalka Soomaaliya oo todobaadkan ku dhawaaqday inaan wax doorasho ah dalka ka dhici karin 2016, arrintaasi oo horey looga sii digayey ayaa ahayd qodobadii loo xilsaaray dowladan inay qabato inta ay xilka heyso, iyadoo ay sidoo kale Beesha Caalamka qaadacday in wax wakhti kororsi ah sameeyaan Golayaasha Dowlada Federaalka Soomaaliya oo xiligan u muuqda kuwo ay hogaaminteeda la wareegeen xisbiga Qarsoon ee Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud.
Horseed Media