Akhriso Magacyada 8 Ka Mid Ah Shacabkii Shisheeyaha Ku Xasuuqeen Magaalada Marka.

34460913

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada shisheeyaha AMISOM ay markale xasuuq bahalnimo ah ka geysteen magaalada Marka.


Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay toogasho ku dileen dad ka badan 15 qof oo dhammaantood shacab ah,saaka aroortii hore ayay ciidamada shisheeye xoog ku galeen xaafadda Ruusiya halkaasi waxay ku dileen dad 10 qof ka badan.

Dadka shacabka ee ku dhaqan magaalada Marka ayaa maanta bilaabay iney isaga barakacaan magaalada Marka maadaama joogta uu noqday xasuuqa ciidamada shisheeyaha AMISOM   ku hayaan  dadka shacabka.

Hoos Ka Aqriso Magacyada 8 Ruux Oo Ka Mid Ah Shacabka Shisheeyaha Ku Laayeen Magaalada Marka.

1-Mucalim Iidey Gacameey oo ahaa Aabo 70 jir ah’waana Aaba ay ka maqan tahay hal gacan oo xili hore ay ka go’day.
2-Xuseen Mucalim Iidey.
3-Sayid Cali Mucalim Iidey.
4-Yuusuf Biikale Mucalim Iidey.
5-Cumar Mucalim Iidey.
6- Aweys xamarow Aaba 50 jir ah’waxaana uu daris la ahaa Guriga lagu laayay Aabaha iyo afartiisa Wiil.
7-Salaad Kawaanle
8-Maslax Dalaal ka shaqeysta Suuqa Ariga Marka’waxaana xiliga Kufaarta Amisom dilayeen Neef  Ari ah uu geeyay guriga arooska lagu qabay.

Voice Of Somalia-Somali Leaks