TAXANAHA TAARIIKHDA SOOMAALIYEED-“Waxaan ahay ninkii Airpor-ka kusoo dhaweeyay Cutubkii ugu horreeyay ee Amisom ” Salaad Cali Jeelle.

 

35289494

Salaad Cali Jeelle oo ka hor hadlayay Xildhibaanada  Baarlamaanka ayaa S ku faanay inuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee dalka kusoo dhaweeya Ciidamada Shisheeye ee Amisom oo la ogyahay xasuuqa iyo gumaadka ay u geysteen Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho.

“ Waxaan ahaa ninkii Airpor-ka kusoo dhaweeyay Cutubkii ugu horreeyay ee Ciidamada Amisom ee hadda na ilaalinaya, qof taas igu heysata maa jirta” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Salaad Cali Jeelle oo hadalkiisa uu u muuqday sida qof ka hadlaya Masrax ama Tiyaatarka Majaajillada ayaa sheegay in isaga uusan dhaqaale heysan, balse ay ka go’antahay inuu u tartamo xilka ugu sarreeya ee Dowladda la dhisi doono, wuxuuna Xildhibaanada ugu baaqay in Musharixiinta kale ay lacagta ka gurtaan, isagana ay doortaan.

Waxaa kale lagu xusuusan xumaan iyo laaluush qaadasho oo humaan qabo waligiis.

Salaad Cali Jeelle: “ Lacagtu waa qaadasho, Codkana waa aniga”

WAXAAD CEEBTA U TAQAAN RAGBAY CAADADISAA TAHAY.

34460959

Voice Of Somalia -Somali Leaks