Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa inta badan lagu xasuustaa inuu ahaa wasiirkii saxiixay heshiiskii is afgaradka BADDA ee dowladdii Shariif Shiikh Axmed lagashay dalka Kenya xilligaas oo uu Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ahaa raisal wasaaraha Soomaaliya.
Inkastoo Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu isku deyey inuu shacbiga Soomaaliyeed ku qanciyo inuu asagu ahaa wasiir amar lagu siiyey inuu heshiiskaas saxiixo haddana shacabku kuma qancin arinkaas waxaana muuqata inuu diidi karay ama uu shacabka usoo bandhigi karay inuu arinkaasi jiro.
Sikastaba ha ahaatee qeyb kamid ah BADDA Soomaaliya ayaa maanta halis ugu jirta heshiiskaas ay dowladdii shariifka lagashay dalka Kenya. wuxuuna arinku umuuqdaa in raggii ka dambeeyey maanta lagu abaalmariyey jagooyinka ugu sareeyo dalka sida Cumar Cabdirashiid oo ra,isal wasaare ah iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadda loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhin doona Qaramada Midoobay,”UN-KA”
Waxaana haray oo kaliya in Shiikh Shariif Shiikh Axmed mar labaad loosoo magacaabo Madaxweynaha Soomaaliya si loo kabo muranka lageliyey baddeenna.
Soomaaliyeey toos.
QORE: Rajo iyo ogaal
Voice Of Somalia-Somali Leaks