C/raxmaan C/shakuur, wuxuu ahaa ninkii Cumar Cabdirashiid kala qeyb qaatay iibsiga qeybo kamid ah Badda Soomaaliya isagoo ka faa’iideysanayay wasaaraddii uu ka hayay xukuumaddii kowaad ee dowladdii Shariif ee ahayd, qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga.
Cabdiraxmaan, hadda waxaa laga dhigay danjiraha DF u fadhiya xarunta Qaramada midoobay.
Aqoonyahan C/qaadir Cali Yarow ayaa oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa sheegaya in Cabdi-raxmaan oo dan jire laga dhigay iyo Cumar oo hadana ra’iisalwasaare ah, la doonayo in dalka intiisa kale ay iibiyaan.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in siyaasiyiinta ku lugta leh iibinta dalka iyo hantida ummada yihiin kuwa ay shisheeyuhu soo diyaarsadeen, taasoo hadafka ugu dambeeya ee laga leeyay uu yahay sidii dalka loogu mili lahaa dalalka dariska.