DHAGEYSO:-Axmad Diiriye Oo Ka Carooday Su’aalo Laga Weydiiyay Xasuuqa Shacabka iyo Arrimo Kale.

34472255

Axmad Diiriye Cali oo kamid ahaa golihii odayaasha Hawiye ee sida aadka ah uga soo hor jeeday Amxaarada iyo dowladdii Cabdullaahi Yuusuf, waagii dowladdii Shariifna taageeray ciidamada shisheeye ee Uganda iyo Burundi, kuna baaqay inaan lala dagaalamin, ayaa ka hadlay xasuuqii dhawaan ka dhacay magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/hoose.

Maadaama uu kamid ahaa odayaal iyo wadaado dadka hurdasiiyay islamarkaana shisheeyaha u yeeray suurad walaaltinimo, ayaa waxaa la weydiiyay su’aal ahayd: “ma qaadeysaan mas’uuliyadda xasuuqa, maadaama adinku aad tihiin kuwa suuxisada ku duray bulshada iyadoo karti leh oo is difaacaysa.

Axmad Diiriye Cali ayaa bixiyay jawaab caro leh. Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay kala qoqobidda ay Xabashida Itoobiya ku hayso gobolada dhexe, wariyaasha lagu xiray Dhuusomareeb iyo arimo kale.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Axmed Diiriye MP3

 Maxamad Axmad Guuleed oo kamid ah indheer garadka Soomaaliyeed ayaa ka jawaabay hadalka kasoo yeeray Nabadoon Axmad Diiriye oo ay isku mabda’ ahaayeen waagii Amxaaradu ku duushay magaalada Muqdisho. dagaalamayay.

 Halkan ka dhageyso Nabadon Maxamuud Guuleed MP3

Xigasho:idaacadda Alfurqaan