Qaarka mid ah dadkii eheladoodii ciidamada shisheeye ku dileen magaalada Marka ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa ka waramay qaabkii ay wax u dhaceen iyo sida xaalku imanka yahay.
Waxay sheegeen in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray hal qoys oo iyagoo aroos qabay, farxaddana u fadhiya ay shisheeyuhu gumaad kula dhaqaaqeen.
Waxay tilmameen in dadkii gabbal dhacii la dilay, maalintii danbe harkii loo ogolaaday in ay duugtaan meydadkooda, taasoo keentay in muuqaalka meydadka oo is bedelay aawgeed la dhaqi waayo.
Baroor iyo murugo xad dhaaf ah iyo qax ayaa magaalada ka jira, waxaana dadka la dilay ku jira odayaal todobaatan jirro ah.
Qaarka mid ah dadka Marka jooga iyo kuwa ka barakacay oo gaaray deegaanka Jilib Marka islamarkaana u waramay Idaacadda Islaamiga ah ee Al-furqaan aya ka sheekeeyay qaabkii xasuuqu u dhacay, iyagoo sidoo kalena sheegay in ay go’aansadeen in ay iska dhiciyaan shisheeyaha.
Halkan ka dhageyso Dad ehelkooda la xasuuqay MP3
Halkan ka dhageyso Shacabka Marka isaga barakacay MP3
Voice Of Somalia-Somali Leaks