Ciidamada Xabashida Itoobiya oo maalimihii lasoo dhaafayba gumaad ka waday qaar kamid ah gobolada wadanka, gaar ahaan Bay iyo Bakool ayaa maanta mar kale geystay dhibaatooyin aad u xanuun badan.
Askar ka tirsan Xabashida oo ay wehliyaan kuwa Liyu Bolis ee laga soo askareeyay dhulka Soomaaliyeed ee gumeysiga ku hoos jira, ayaa waxa ay tageen tuulada Ceel-ansaar oo ay ku noolaayeen dad reer miyi ah.
Ugaas Cabdullaahi Maxamad Yare oo kamid ah indheer garadka ayaa inoo sheegay in askartan ay dileen dad badan oo degaanka ah, iyagoo sidoo kale meel isugu geeyay haweenka, kadibna kufsi kula dhaqaaqay.
Ugaas Cdullaahi ayaa sheegay in waxa dhibkan loogu geysanayo matida ay tahay, diintooda iyo caqiidadooda awgeed, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in malleyshiyada Liyu Boliska oo Soomaali sheeganayaahi ay Xabashida u adeegsato gumaadka muslimiinta.
Ugu dambeyntii, waxa uu guud ahaan dadka muslimiinta ugu baaqay iney u gurmadaan walaalahooda sida foosha xun loo gumaadayo.
Halkan ka dhageyso Wareysi ay Idaacadda Alfurqaan la yeelatay Ugaas C.llaahi Max’med Yare MP3
Voice Of Somalia-Somali Leaks