DHAGEYSO:-Taariikhda Dahabiga ah ee ay Beesha Biyamaal ku Leedahay la Halganka Gumeystihii Talyaaniga.

34486315

Taariikhdu, wax bey keydisaa, waa duruus iyo cibar, waxaa la yiraahdaa, Ummad aan taariikh sugan lahayn, waa ummad aan jiritaan sugan lahayn! dabcan waa oraah dhiira galineysa in qof walba ama qabiil walba uu sameeyo taariikh wanaagsan oo jiilasha soo socda wax u tarta.

Soomaaliya, waa wadan kheyraad badan leh oo dadkiisu muslimiin isku af iyo isku luqad ah yihiin, islamarkaana hal qowmiyad isku ah.

Dal marka uu sidan oo kale yahay, waxaa khasab ah inuu yeesho cadaw, taasoo keenta in dadkiisu ay laba arrimood midood buuga taariikhda ku qoraan.Waa midda kowaade iney noqdaan dad Gob ah, oo dhiigooda u hura difaaca diintooda, dalkooda iyo dadkooda, iyo iney noqdaan dad Gun ah, oo aanan gumeysiga iska dhicin ama laba safta.

 Marka aad aqriso taariikhda dagaaladii lala galay gumeystayaashii qarniyo ka hor ku duulay dhulka muslimiinta, islamarkaana aad is barbar dhig ku sameyso qabaa’ilkii la jihaaday iyo kuwii la saftay, waaqicana aad ku eegto, waxaad arkeysaa iney si wanaagsan u tarmeeyn kuwii shisheeyaha la halgamay, halka kuwii gumeystaha la shaqeeyay ayan tayo iyo sharaf toona lahayn.

Soomaaliya markaad si gaar ah u eegto, waxaa jira qabaa’il xul ah, oo sidii ileyska oo kale uga dhex ifaya kuwa kale, kadib markii ay lasoo dirireen gumeystayaashii dalka kusoo duulay.Qabaa’ilkaas waxaa kamid ah beesha Biyamaal oo degta gobolada koofureed ee Soomaaliya.

Beeshaas magaceedu maamuuska iyo milgaha leeyahay, beeshaas maqaamka sare ku leh taariikhda ummada, godka maguuraanka ahna ka fariisatay sooyaalka ummadda iyo dhigaalladeeda ay ku dhaashato, kuna indha kuulato ee hiraalkeeda ku astaysan, ayaaney dad badan oo jiilka maanta kamid ahi soo rogan karin, wax aan dhaafsiisneyn in beeshu soo jihaaday, cilmiga sharcigana ku horeyso.

Beeshan iyo beelaha lamidka ahba, waxay muteysteen in maanta la aqriyo taariikhdooda, loo duceeyo, oo walibana lagu daydo.Wax kale iska daaye, waxaa taariikhdooda diraaseeya shisheeyaha, kuwaasoo u qiraya iney yihiin dad gumeysi diid ah, oo diiday iney madaxa raariciyaan, oo ubadkooda la dooriyo.

Qarnigii 18-aad ee taariikhda Miilaadiga, Beesha Biimaal waxaay ahayd Beel ka tilmaaman Beelaha kale ee dega Koonfurta Soomaaliya, waxaa lagu xusuustaa halgankii dheeraa ee ay gobolka Sh/hoose kula gashay gumeystayaashii Talyaaniga.

Markii uu socday dagaalkii u dhaxeeyey gumaysigii Ingiriiska iyo halyeygii mujaahidka ahaa ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan, waxaa la soowariyey iney jireen beelo Soomaaliyeed oo taageerayey gumaystihii Ingiriiska, laakiin Beeshan Biimaal weli lama soo tabin inay ka qayb qaadatay ama ay garab istaagtay gumaysiga.

Mudo 14 sano ah gumeystaha Talyaaniga uma suurtoobin inay cagta soo dhigaan dhulka ay Beeshu degto, sababo la xiriira beesha oo lahayd culimo wanaagsan iyo ugaasyo iskala weyn sandareerada gaalada.

Halkan waxaan uga qisooneynaa, qeybo yar oo kamid ah taariikhda dagaaladii ay shisheeyaha lasoo gashay beesha Biyamaal, inagoo ujeedadeenu tahay in jiilka maanta iyo kuwa berito ay ka faa’iideystaan, kuna kala gartaan qaanadaha ay ku kala jiraan qabaa’ilka Soomaaliyeed.

34

Xigash:idaacadda Alfurqaan

11796398_672867992847656_6551585955686782447_n

MENSA DEL GENERALE RUGGIERO SANTINI GOVERNATORE DELLA SOMALIA – . 1937 – cafeteria of General Ruggiero Santini Governor of Somalia -. 1937

10981914_10206405780777743_7061012886284345508_n

La vendita a Palermo (via della Libertà) delle deliziose banane “Somalita” in una immagine storica del 1950 (foto S.Perricone) The sale in Palermo (away of freedom) of delicious bananas “Somalita” in a historic image of 1950 (Photo S. Perricone)

Voice Of Somalia-Somali Leaks