Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar dhabba gal ah loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada Jabuuti iyo kuwa Xabashida Itoobiya oo ku socdaalayay duleedka magaalada Beledweyne.
Kamiinka waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaan lagu magacaaba Nuur Farax oo ka mid ah deegaanada dhaca dhanka Bari ee magaalada Beledweyne,iyadoona jisgalkaas khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada Xabashida ,Jabuuti” HIIL XABASHO” iyo Maleeshiyaad Soomaali ah aan tiro badneyn.
Qaar ka mid ah dadka beeraleyda ee ku dhaqan deegaanka Nuur Farax oo ah deegaanka uu weerarka dhabba galka ah ka dhacay ayaa xaqiijiyay in kamiinkan waxyeelo xoogan lagu gaarsiiyay gaari uu saarnaay qori Suug ah oo shisheeyaha ay wateen.
Sidoo kale dadka deegaanka waxey intaasi ku dareen iney jiraan tiro askar ah oo ka tirsan Xabashida iyo kuwa Jabuuti“HIIL XABASHO” oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday kamiinkaasi’iyadoona maalintii sadexaad kolanyadaan ay u suura gali weyday iney kasii dhaqaaqaan deegaankan saacadihii lasoo dhaafay kamiinka loogu dhigay.
Voice Of Somalia-Somali Leaks