Koox Dibmlomaasiyiin Ethiopian ah oo Ka baxsaday Xukuumada Ethiopia.

34492702 (1)

Sida aanu ku helayno warar ka imanaya ilo kala duwan waxaa mudo bil gudaheeda ah ka baxsaday xukuumada Ethiopia ilaa lix ka mid ah diblamaasiyiinta ka shaqaynayay qaar ka mid ah safaaradaha ay xukuumadu ku leedahay caalamka.

Diblamaasiyiintan oo qaarkood sugayay in loo cusboonaysiiyo waraaqahooda shaqo ayaa lagu soo waramayaa in wax xidhiidh ah laga waayay laga soo bilaabo 8dii bishii hore ee July oo ahayd maalinkii ugu dambeeyay ee laga sugayay inay warbixin u soo diraan Wasaarada Ariamha Dibadda ee Ethiopia.

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Addis Ababa diblamaasiyiintan ayaa ka hawlgalayay safaaradaha ay Ethiopia ku leedahay Maraykanka, Afrika iyo India.

Ninkan lagu magacaabo Yohanis Getahun oo ahaa diblomaasi ka soo shaqeeyay safaaradaha Maraykanka, South Afrika iyo India ayaa lagu soo waramayaa inuu ka mid yahay madaxda ka baxsatay Ethiopia.

Sidoo kale gabadha lagu magacaabo Emabet Birru oo loo yaqaanay Etaashe kana mid ahayd masuuliyiinta safaarada Ethiopia ee Washington DC ayaa iyaduna ka xadhig furatay xukuumada Woyanaha ee gabalkeedi sii dhacayo.

Diblomaasiyiinta kala ah Ilyas Warqu iyo Getajow Mulualem ayaa ka baxsaday Safaarada Ethiopia ay ku leedahay magaalada Pretoria ee wadanka Koonfur Africa iyadoo sidoo kale uu Ishete Mesgana oo ka shaqaynayay safaarada Ethiopia ee wadanka Ghana uu diiday amar kaga yimid Wasaarada Arimaha Dibada ee Ethiopia oo ahaa inuu soo galo magaalada Addis Ababa isagoo la sheegay inaan ilaa hadda la garanaynin meesha rasmiga ah ee uu u baxsaday Mr. Mesgana.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in Mr. Henbok Asnaqem oo ka mid ahaa masuuliyiinta safaarada Ethiopia ee magaalada New Delhi wadanka India uu ka mid yahay diblomaasiyiinta baxsatay.

Dhanka kale wasaarada Arimaha Dibada ee Ethiopia ayaa la sheegayaa inay samaysay isku shaandhayn la xidhiidha xaga safiirada, diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradaheeda dibadaha iyadoo magacawday xilal gaadhayaa ilaa iyo 71 xil oo heerar kala duwan ah.

Isku soo wada duboo waxaa muuqata xaaladda xukuumadda Ethiopia in ay marayso meshii ugu xumayd oo ay muuqato in si weyn loo kala shakiyay dhamaadayna is aamin, waxayna ku soo beegantay xili ay kooxda EPRDF ee xooga dalka ku haysata ay shegeen in ay doorashadii dalka ku gulaysteen 100% arintas oo fashilkedii muuqdo.

Itoobiya ayaa ciidankii ugu badnaa abid ku daabushay dhulkii xorta ka ahaan xumaanta Xabashida  ee Soomaaliyeed,iyadoo la dala dhacaysaa dhib bilowgiis la joogo.

Sheekh  Mustafe Aragtida uu ka qabo MustaqbiIka Itoobiya.

Voice Of Somalia-Somali Leaks