Dib u milicsi Sooyaalka Geeska Afrika. Asalaamu Calaykum Waraxmatullaah Wabrakaatuh. Salaan kedib Alle s.w.t ayay u idlaatay mahad, Allihii Nabi Maxa’ed scw u soo diray ummadaan si aw jahliga uga saaro. Alle ayaa mahad leh bini adamka ku ilhaamiyay in ay wax qoraan waxna aqriyaan. Hadaan u soo daadego mawduuca maanta i hor yaal oo ah ”Dib u milicsi sooyaalka Geeska Afrikada bari” hadaba inta aanan u daadegin soo ifbixidii imaamka, waxaan dib u jaleecaynaa xaaladii dawladihii Muslimiinta ee ka jira gayiga geeska Afrika iyo halgankii dhexmaray iyaga iyo Boqoradii Amxaarda iyo Tigreega.
Markii ay soo shaac baxde soo ifbixidii nabiga scw , iyo risaaladiisii ee aw kasoo ifbaxay baxay dhulkii carbeed gaar ahaan Maka, waxaa bilaabatay dhibaatayn lagu hayay muslimiintii nabiga rumaysay scw waxaa dhib badan kala soo gudboonaaday mushrikiintii reer Quraysh. Sidaa awgeed waxaa uu nabiga in badan oo asxaabta ka mid ah talo ku siiyay in ay dhulka Xabashida u haajiraan, halkaa oo uu markaa ka talinayay boqor Caadil ah ” Najaashi”. Sidaasi ayuu ku bilaawday xariirka Islaamka iyo gobolkaan, si wanaagsana wuu u bilaabmay . In ay socotaba ha socotee, ganacsigii marka hore ba ka dhexeeyay labadaan gobol waxaa soo raacay rag Diinta Islaamka ku faafiya dhulka xeebaha ee geeska Afrika.
Markuu ganacsiga dhulwaynaha ku sii fogaadaba Diintu na way la sii fogaanaysay, sidaa ayayna Diinta Islaamku ugu faaftay shucuubta degan geeska Afrika. Halkaa ayayna Dawlado Islaamka ka samaysteen. Qarnigii 9 aad miilaadiga waxaa gobolka Shawa ka samaysmay boqortooyo Muslim ah oo ay yagleeleen, niman carab reer banii makhsuum ahaa.
Qarnigii 13 aad waxaa aas aasmay boqortooyadii Islaamka ee caanka noqotay ee Awfaat waxaana dhidibada u taagay nin la oran jiray Cumar Walasmac oo la yiri waxaa aw ahaa tafiirtii Sheekh Yuusuf Al Kownayn . Isla boqortooyadaasi , sannadkii 1385 aad waxaa ay la wareegtay boqortooyadii kale ee Shawa. Awfaat oo noqotay dawladda Islaamka Geeska Afrika ugu saamaynta wanayd, waxay gacanta ku dhigtay marsooyinka ay ka mid yishiin Saylac iyo Berbera oo ku yaalay hilimada uu Gamacsiga geeska Afrika ku soo arooro amma uu ba ka fulo. Boqorkii Xabashida oo uu xukunkiiso ahaa habka dhulgoosiga loo yaqaan ayay taasi ku abuurtay xasad iyo quudhi waa , waana waxa keenay inay isku dayaan gacan ku ku qabashada ganacsatadii Muslimiinta iyo ganacsigoodaba .
Taasi na waxa ay ugu danbayntii sababtay in ay dhac iyo boob joogta ah kula kacaan . Markii ay Dawladihii Islaamku samaysmeen na colaado iyo weeraro aan kala go’ lahayn ayay ku qaadeen. Labadaan aan soo sheegnay oo kaliya kuma koobnayn dawladihii muslimiinta ee waxaa kale oo abuurmay dawlada ha kala ahaa, Dawaaro, Baali, Sharkha , Hadya , Arabani , Daraah iyo markii danbe Cadan ama Awdal oo kasoo xuub saiibatay dawladii Awfaat. Sidoo kale dhanka kale ee Boqortooyadii Xabashida waxaa ka jiray boqorto , si wayn uga soo hor jeeday ku faafitaanka Muslimiinta ee gobolka, boqortooyadaasna waxay fadhigeedo ahaa buuralayda ay galaan Qoomiyadaha Amxaarada iyo Tigreega.
Intii ka horaysay1270 kii , dawladihii xabashida xukumayay nabad bay kula noolaayeen dawladihii muslimka ee jaarkooda ahaa . Hase yeeshee wixii intaa ka danbeeyay, waxaa xabashida hogaanka u qabtay boqorradii ku andacoonayay in ay kasoo jeedaan tafiirtii nabi Sulaymaan. Taasina waxay keentay in ay dagaalo Diimeed huriyaan si ay geeska Afrika Diin keli ahi ugu soo dabbaalaan , dhaqaalahana gacanta ugu dhigaan. Qaskii iyo iska-horimaadkii ka dhashay ayaana keenay degenaansho la,aanta iyo dagaal joogta ah oo ka hora gobbolka. Sannadkii 1332 dii iyo wixii ka danbeeyay dagaaladii isadaba jooga ahaa ee ay xabashidu ku soo qaadday dawladihii Islaamka ahaa, intoodii badnayd way ku qabsatay , kuwii ugu xumaana waxay dhaceen waqtigii uu xukumayay boqorkii la odhan jiray Daawat kii 1 aad oo xukunkiiso socday 1382 dii ilaa_ 1410 kii .
Sannadkii 1402 wuxuu ninkaasi ku guulayste in ciidamadiisii jebiyaan kuwii Muslimiinta ee uu hogaaminayay Suldaan Sacdu-Diin oo ahaa tafiirtii Cumar Walasmac . Suldaanka iyo ciidammadiisii waxaa loo soo eryay dhanka Saylac , halkaasaa na lagu dilay. Oo waxa alagu xabaalay Jasiirada Saylac magaciisa xanbaarsan. Dagaaladii aw hogaaminaayay Imaam Axmed Ibraahim ”Axmad Gurey” ee Futuux Al Xabashana waxay daba joogeen damacii waalnaa ee boqorrada xabashida. Hadaba waxay ila tahay waxbaa inooga ifay xaaladii gobolka, ka hor soo ifbixidii Imaam Axmed. Nabar waynba ha gaaro Muslimiintii balse ma aysan quusan ee wiilashii aw dhalay Sacdu-Diin ayaa waxay u fakadeen dhanka Yemen . Yemena waxay taakulayn hubeed ka heleen Boqorkii Yemneed ee An_Anaasir Axmed Bin Al_Ashraf Ismaaciil.
Dib bay ugu soo noqdeen dhulkii waxayna habeeyeen dawladii Islaamka . Waxay gacanta ku dhigeen dhulkii aabahood Sacdu-Diin laga qabsay u baxsheen Barru Sacdu-Diin. Xarunna waxay uga dhigeen magaalo la oran jiray Dakar. Markii dawladii Islaamka dib loo habeeyay , waxaa xabashidii lagala hortegay , dagaalo culculus. Ragii dhanka dagaalka ugu cadcadaa ee Muslimiinta waxaa ka mid ahaa Garaad Maxfuud. Garaadka hogaanka Dagaalka muslimiinta waxaa aw qabtay sanadkii 1490 kii waxaana la dilay sanadkii 1516 kii isaga oo duulimaad ku qaaday xabashida. Ninka kale ee isaguna dagaalka qaybta wayn ka qaatay waxaa aw ahaa Suldaan Maxamed oo isna la dilay sanadkii 1518 kii .
‘Intaa dabadeed waxaa geyigii Muslimiinta ka dhacay jahwareer iyo jidgooyooyin ku baahay wadankii oo idil. 1508 dii waxaa xabashida boqor u noqday ninka la oran jiray Libna Dengal=Wanaag segad. Waa ninka ay sida wayn isaga hor imaan doonaan isaga iyo Imaam Axmed. Kadib dilkii ragii dawrka ahaa dilkoodii waxaa laga dhaxlay laba dhibaato oo kala ah 1: Kala danbayn la,aan dagaal sokeeye jidgooyo iyo amaan la,aan ayaa ku batay deegaankii muslimiinta. 2: Xabashidii oo awalba la horaynaayay waxay ku naawishay in fursadi hada ugu dhawadahay , oo dagaalo ku dhufoo ka dhaqaaq ah ayay muslimiintii ku soo ekeyse.’
Waxayna Muslimiintii u gaysate dhib badan xoolo badana way kala dhacday. Goortii muslimiintii miciin la,yihiin oo dhibkii ku dhex faafay una sii dheerta dagaalada kaga imaanayay dhanka Amxaarada ayaa waxaa soo baxay nin la oran jiray Garaad Aboon. Garaad aboon waxaa aw hogaamiye u ahaa koox dagaalyahano ah. Garaadka si wayn ayuu u saluugsanaa Suldaan Abuubakar.
Dhawr arimood ayuu Aboon ku saluugay xukunkii Suldaan Abuubakar. Suldaanka waxaa aw isku meeriyay kuwii boobka iyo dhaca kula kici jiray safarada. Mudo 6 sano ah ayuu dhulkii ku nadiifiyeen Garaad Aboon iyo Ciidankiisii , isla markaana waxay soo celsheen kala danbayntii iyo Nabadii. Halkaa marka xaal maraa ayay Suldaan Abuubakar ayay taa u cuntami wayday, waxaa awna dagaal ku soo abaabulay ciidankii Garaad Aboon. Waxaana aw halkaa ku dilay Garaad Aboon, intaase kuma joogsane ciidankii aw , Garaadku tabaray ayaa waxaa kasoo dhex baxay wiil dhalinyaro ah oo Firfircoon.
Wiilkaan firfircoonidiisa iyo xilkasnimadiisa markii aw Garaadku dareemay ayuu si gaara u tababaray ishana ku haayay , waana wiilka hana qaaday kedib dilkii Garaadka waa Imaam Axmed Ibraahim ” Axmed Gureey”. Kedib dilkii Garaad Aboon ciidankiisii oo aw ka mid ahaa Imaam Axmed Gurey , dib ayay isku abaabuleen waxayna noqdeen ciidan xoog leh.
Hadaan u soo laabano Suldaan Abuubakar dan kama lahayn dagaaldii xabashidu, ku soo qaadayse dhanka Muslimiinta ee ku dhufoo ka dhaqaaqda ahaa. Xabashidiina waxay sii laba jibaareen dagaaladii nuucaa ahaa. Xabashidii oo u haysatay in aysan jirin ciidan yac ka dhihi kara dhulka Islaamka iyo hantida Muslimiinta , ayaa dagaal xoogan soo qaaday. Boqorkii Xabashida ayaan , Batriiqii= Hogaamiyihii ciidanka Xabashida ee Batriiq Faanu’iil ku amray in aw dagaal saf ah ku qaado dhulka Muslimiinta soona dhaco hantidooda.
Ugu danbayna sidaa way u suura gashay ciidankii xabashida, dhulkii Muslimiinta ayayna weerar ba,an kusoo qaadeen. Beryihii hore marka ay falkaan sameeyaan cidi qoray kuma tuuri jirin , Suldaankana hawlahaa dan kama geli jirin. Balse markii ciidankii yaraa ee is abaalulay ee ahaa ciidankii Garaad Aboon, Imaam Axmed oo dhalinyaro ahna si geesinimo leh uga dhex muuqdo, ayaa waxay isku dhiira geliyeen in ay xabashida xoolaha iyo maxaabiista muslimiinta kasoo dhigaan. wayna ku dhiiradeen oo inta ay ka daba duuleen ayay Jebiyeen kana soo dhigeen duunyo iyo dad waxay qafaasheenba. Imaamkii iyo saaxiibadii mar qudha ayaana loo arkay Halyeeyo iyo waa Cusub oo u baryaya dadkii muslimiinta ahaa. Duulimaad danbena xabashida dhulkii muslimiinta kuma soo qaadin. Kaas ayuuna ahaa kii ugu danbeeyay ee ay dhulka Muslimiinta ku soo qaado waqtigaa. Imaam Axmed Ibrahim ”Axmed Gurey” markaa ayuu noqday geesi cusub oo u soo bidhaamay dhamaan muslimiintii gaar ahaan kuwii geeska Africa , waana geesiga taariikhda galay ee Xabashi ka eedsiiyay waxay horay u faleen.
—– Afeef: Maqaalkaan caawimaada ugu badan iyo taariikhda waxaan ka helay buuga Futuux Al Xabasha ee Af-Soomaaliga ku qoran. —–
W.Q. Bashiir/ Macalin Cali Abuxudayfah