DHAGEYSO:-Xildhibaan Xoosh: “Dowladda Federaalka Iyo Amisom Way Fashilmeen Eedana Waxaa Leh Dowladda”

34509383

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in DF ay ku fashilantay hawlihii loo igmaday, sida:- hiigsiga 2016, ammaanka iyo arimo kale.

Wuxuu sheegay in arimahaasi iyo kuwa kalaba ay sabab u yihiin, dowladda oo shaqo ka dhigatay musuqmaasuq, nin jecleysi iyo kala dambeyn la’aan, isagoo dhaliisha ugu weyn dusha ka saaray Xassan Sheekh.

Xoosh waxa uu qiray in dalka uu ka taliyo N/key, laakin waxa uu arrintaas u sababeeyay karti xumada DF. Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in ciidamada shisheeye ku fashilmeen hawlihii loo xilsaaray, marka laga yimaado xasuuqa oo ay si joogto ah u geystaan, waxaase jirta in Xoosh uu shisheeyaha ugu garaabay iney maalin walba ku baaba’ayaan dalka, isagoo tusaale usoo qaatay dhacdadii weeneyd ee LEEGO.

Halkan Ka Dhageyso Xildhibaan Xoosh

XIGASHO-Radio Alfurqaan.