Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada shisheeye ayaa si ula kac ah u jiiray qof shacab ah oo marayay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.
“Nin mooto wata oo wadada gees ka marayay ayey si ula kac ah, gaari Taw ah ugu dhufteen” ayuu yiri qof goob joog ahaa oo la hadlay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan.
Ciidamada shisheeye ayaanan u istaagin ninka ay dhibka u geysteen, kaas oo lagu qaaday dhaawac garaab ah, lamana oga sida haatan xaaladiisu tahay.
Ciidamada shisheeye ayaa si bareer ah gaadiidkooda u dul marsiiyay dadka shacabka ah ee wadooyinka ku lugeynaya ama gaadiidka saaran, taasoo keentay in markiiba meel fog laga arko wada looga cararo.
DF ayaa waxay sheegtaa iney leedahay ciidamo Taraafiko ah oo ilaaliya nidaamka wadooyinka, kuwaasoo iney shisheeyaha wax ka qabtaan iska daaye, iyaga qudhooda ay cararaan markey meel fog ka milicsadaan gaadiidka shisheeyaha.
Wiil Yar Oo Ay Jireen Gaadiidka Ciidanka Amisom Oo Ku Dayacan Magaalada Muqdisho
Voice Of Somalia-Somali Leaks.