Cabdirashiid Sh/Xuseyn Macallim Gaas oo kamid ah saraakiishii Barre Hiiraale ee dagaalka la galay Axamad Madoobe ayaa sheegay in Barre Hiiraale uu wali maxbuus yahay, ujeedada laga leeyahayna ay tahay si aanu ula dagaalamin Axmad Madoobe.
Waxa uu sheegay in lafaha meydadkii ciidamadooda ay wali yaallaan Goobweyn oo Kismaayo u dhow, halkaasoo ay dayuuradaha Kenya ku duqeeyeen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiya ay dhagar u dhigtay kadib markii ay kusoo xero galisay wada hadal, islamarkaana ay ugu abaal guday in ay hogaamiyaashii xirto, inta badan ciidamadiina hubka laga dhigo.
Ina macalin Gaas waxa uu kashifay sir badan oo la xriirta qorshaha ay Itoobiya iyo Kenya ka leeyihiin wadanka, waxaana uu diray baaq ku aadan in dalka laga difaaco shisheeyaha.
Halkan Ka Dhageyso Cabdirashiid Macallim Gaas.lite
XIGASHO:Radio Alfurqaan