Taliye Katirsan Ciidamada AMISOM “Ma Awoodno in aan Al Shabaab ka Qabsano Dhammaan degmooyinka iyo magaalooyinka ay Maamulan”.

34531835

Taliska ciidamada shisheeye ee duullaanka ku joogo dalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay dagaalka ay kula jiraan ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Max’med Cilmi Habane oo ah taliyaha AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xoogaga shabaabul Mujaahidiin ay iska caabin adag kala hortageen ciidamada Xabashida Itoobiya ee maalmo ka hor qabsaday deegaanka Halgan.

Wuxuu sheegay in dhammaan deegaanadii ay soo mareen ciidamada Itoobiya ay dib ugusoo laabteen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

“AMISOM waxba ma qaban karto waa in xukuumadda soomaaliya iyo shacabka iskaashadaan oo ay sameystaan ciidan,Al Shabaab waxay adeegsanayaan xeelada dagaal deegaanada ay ciidamadeenu kusoo wajahanyihiin way isaga baxayaan marka ay ciidanku gudbaan ayay dibu qabsanayaan”ayuu yiri Habane.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in shabaabul Mujaahidiin aan laga wada qabsan karin dhulka ballaaran oo ay ka joogaan Koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya.

“Ciidamada Itoobiya iyo AMISOM ma awoodaan in meel walba ay ka saaraan Al Shabaab taasi yaan marnaba lagu fikirin haddii aan la helin ciidan soomaali awood leh lshabaab lagama adkaan karo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkan Jabuutiyaanka ah.

Hoggaanka Xarakada Al Shabaab ayaa dejiyay qorshe dagaaleed lagu dhiigbixinayo ciidamada shisheeye sida looga baxo magaalooyinka iyo degmooyinka ay duullaanka ku yihiin kadibna hareerayn lagu dul dhigo ay sii dheertay weeraro ku dhufu ka dhaqaq ah.

Voice Of Somalia-Somalia Leaks