Sanadii 2000- ayay ahayd markii sidan oo kale ay kooxda TPLF- u kala Jabtay Laba Garab xiligaasi oo Meles Zenawi uu kusigtay inay Af Gambiyaan Qaar saraakiisha iyo siyaasiyiintii Jabhada TPLF kamid ahaa, waxaana uu Zenawi xiligiisa ku bad baaday si dirqi ah.
Sidan oo kale mucaaradada Meles waxay ka bilaabatay magaalada Meqale ee xarunta Gobolka Tigree Aakhirkiina Zenawi waxaa si lama filaan ah ku bad baadiyay shakhsiyaad kamid ahaa kooxdii Meqale, waxayna xaaladu Gaadhay Heer ay ciidan kaste dhex dooda dagaalamaan.
Meles markii uu Ogaaday inuu kabad baaday shirqoolkii saaxiibadii waxaa uu birta ka aslay dhamaan saraakiishii ciidanka ee ku Lugta lahaa iskudayga Afgambigii dhicisoobay, magaalada Qabridahar oo kaliya waxaa lagu xasuuqay 55-sargaal oo kamid ahaa Taliyayaashii ciidamada Gumaysiga ee lagu tuhmay inay qaybta ka ahaayeen Af Gambiga.
Hadaba xiligan xaaladu sidii ma aha oo majiro shakhsi sigaar ah ay talada maamulka Woyanuhu uga Go’do marka laga yimaado Taliska sare ee ciidamada, kuwaasi oo la aaminsan yahay ilaa iyo hada inaysan sitoos ah ugu Lug lahayn khilaafka Hadheeyay Jabhada TPLF.
Hogaanka siyaasada ee Jabhada TPLF- waxaa uu noqday Garbo siman waxayna taasi sii fogaysay rajadii laga qabay in kooxdu Hanaan kala dambayn kusalaysan ku xaliso khilaafka, waxayna koox waliba ku xisaabtamaysaa inay muquuniso tan kale.
Hardanka siyaasiga ah iyo sii kala fogaanshaha Labada dhinac waa waxa kaliya ee lahadal hayo waxaa se taa xiga oo in badan dadku is waydiinayaa maxaa xigi doona khilaafkan, oo la aaminsan yahay inaan si sahlan lagu xalin karin maadaama aysan jirin ilaa iyo hada siyaasiyiin Tigree ah oo kamadax banaan khilaafka, kuwaasi oo hadii ay jirin lahaayeen isu soo jiidi lahaa 2-da dhinac.
Hadii kooxda Abay Woldu Guulaysto oo si uun ugaga Takhalusaan kooxda kale sidii ayay u maarayn doonaan xaalka maadaama ay 3-dii kooxood ee kale ee ay kuwada Jireen EPRD-ta ay isku meel uga soo wada Jeedaan doonayaan in Xayle noqdo Hogaanka maamulka Addis ababa, Abay iyo kooxdiisu ma xoog bay adeegsan doonaan oo xukunka kula wareegi doonaan? ma xaal mastuur iyo xisaabtan awoodeed ayay Gali doonaan?.
Kooxda kale ee Debretsion hadii ay Guulaysato Xayle Mariam iyo kooxdiisa waxay u tahay Guul siyaasadeed oo u suuragalin karta inay Xayle iyo Debretsion soo dhisaan maamulka xiga, waxaa se calaamad su’aal saaran tahay saraakiisha sare ee Tigreegu sida ay ugu Qancayaan Guusha Xayle iyo kooxdiisa.
Si kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo xaalada khilaafka Gonda dhigay Jabhada TPLF iyo halka uu kudambayn doono, waxaa se muuqata in saadaal mugdi ah kusoo wajahan Karmaha wixii Itobiya laysku dhihi jiray taasi oo muujinaysa waxa khilaafkan xigaa inuu yahay awoodii TPLF oo wiiqanta iyo loolan siyaasadeed hor leh oo soo dadajiya kala dhaqaaqa maamulkii Addis ababa
Tigreega ayaa dhibaato joogta ah ku haya qowmiyadaha ka tirada badan ee kula nool Itoobiya,waxayna cagta kaga hayaan madaxa mudo dheer,waxaa intaas sii dheer waxay dhib dhinac kasta ah ku hayaan Soomaalida iyo Soomaaliyaba, waxayna maanta gaaf wareegaya gayiga Soomaaliyeed ciidamo aad u tira badan,kuwaas oo xasuuq ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan filaya inow dhawyahay waqtigii xabado ka dhici lahayd gudaha itoobiya.
Voice Of Somalia-Somali Leaks