Waxaa sii xoogaystay khilaafaadka u dhaxeeya hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Xasan Gurguurte kadib mooshinkii ay xildhibaanadu ka keeneen mas’uulka ugu sareeya xukuumadda.
Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay mooshinka ay 100-ka xildhibaan ka keeneen isagoo ku sifeeyay mid khal-khal lagu gelinayo wax uu ugu yeeray hay’adaha xukuumadda.
Wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay xaalad adag ku jirto sidaasi daraadeed aan xilligan loo baahnayn abuurista khilaafaad hor leh.
“Dad siyaasadda Soomaaliya ku jira ayaa taariikhda baal madoow ka geli doona waa kuwa xilligan adag khilaafaad ka dhax abuuraya hay’adaha dowladda”ayuu yiri Xasan Gurguurte.
Khilaafka ka dhax-taagan madaxda DF-ka ayaa larumeysanyahay in ay ku lug leeyihiin dowlaha shisheeye ee Soomaaliya kusoo duulay.