DHAGEYSO:- C/Qaadir Siidii: “Anshax Darro ayaan ku Arkay Hoteelada ay Madaxda Dowladdu ku Nastaan”

34551580

Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamad Nuur (Siidii) ayaa shaaca ka qaaday iney dadka madaxda heerarkooda kala duwan ee DF ay anshax darro kula kacaan gabdhaha magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay iney telefoonada kula xiriiraan dumar ajnabi ka ah, oo u badan gabdhaha yar yar, iyagoo ku indha sarcaadinaya hoteelada iyo gaadiidka ay wataan, dhanka kalana uga faa’iideysanaya duruufaha heysta, taasoo u jeedadooda gurracan u sahasha.

Intaa waxa dheer, oo uu Siidii ka dhawaajiyay xishood la’aan, iyadoo aad arkeyso buu yiri’ meelo dad badan buuxaan oo anshax darro lagu sameynayo.

Marka laga yimaado, Xalane, Madaxtooyada iyo xeryaha kale, ayaa waxaa jira hoteelo arimahaasi caan ku ah, oo ay daggan yihiin amaba ay waxa loogu yeero nasashada u aadaan wasiirada, xildhibaanada iyo saraakiisha dowladda, sidaa darteed Cabdulqaadir Siidii ayaa shaaciyay magacyada hoteeladaas qaarkood, wuxaana hoteeladaasi uu sheegay kamid ah:- hotel Saxafi, hotel Jaziira, hotel Baarliido, hotel Maka-almukarrama, hotel City Palz iyo kuwa kale.

Bishii mar ama labo mar, waxaa wadooyinka magaalada Muqdisho lasoo dhigaa caruur yar yar oo aan la garanayn cidda dhashay, intaa waxa dheer oo magaalada lagu arkaa dhalooyinka khamriga iyo wax yaabo badna oo aan magaalada ka jiri jirin.

Sheekh-Bashiir-Axmed-Salaad

Waxaa jira wadaado daggan qaar kamid ah hoteeladaas sidoo kalana DF u arka mid ka shaqeeneysa horumarka bulshada, kuwaasoo maalin walba si indho la’aan ah wax baahinta uga difaaca iyaga iyo ciidamada shisheeye.

Voice Of Somalia-Somali Leaks