Wararka naga soo gaaray Gobalada Galguduud iyo Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamada Xabashida Itoobiya ay isaga baxeen Magaalooyinka Halgan iyo Wabxo ee Gobaladaasi.
Ciidamada Itoobiya ee ka baxay Halgan ayaa cagta saaray Magaalada Baladweyn ee xarunta u ah Gobalka HIiraan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Xabashida ay u carareen dhanka wadada isku xirta Warxoolo iyo Guriceel,dadka deegaanka ayaa lafilayaa in guryahooda ay dib ugusoo laabtaan Wabxo ayaa bishii lasoo dhaafay martigelisay dagaallo culus oo lagalay soo duulayaasha Itoobiya.
Ciidamo aad ubadan oo ka tirsan shabaabul Mujaahidiin ayaa durbadiiba gudaha ugalay Magaalooyinka ay isaga carareen Ciidamada Itoobiya.
Dad deegaan ayaa sheegay in Ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay la wareegeen ammaanka Magaalooyinka iyadoo Halgan dad yar oo ku haray ay soo dhaweeyeen Ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab.
Ciidamada Itoobiya ayaa horay xasuuq kaga gaystay Magaalada Halgan iyagoo laayay dad rakaab ahaa.
Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa Bariga Galguduud uga sugan degmada Ceelbuur.
LA SOCO WIXII KASOO KORDHA.