DHAGEYSO:-Kaliil “Itoobiya Ayaan Sideed Maalmood U Xireyn Xilkana Iga Qaaday”

34557319

Maxamed Cabdi Kaliil oo Dowlada Federaalka  ugu magacaawnaa  gudoomiyaha gobalaka Gedo iyo xubno kale oo Maxamuuud Seyd Aadan ka mid yahay, ayaa shalay Itoobiya u masaafurisay magaalada Muqdisho, kadib markii ay muddo u xirnaayeen.

Kulan xubnahaas intaan la xirin ay Itoobiya u qabatay iyaga iyo Axmed Maoobe oo ku magacaaban madaxweynaha Maamulka Jubba, ayaa Axmed Madoobe uga dhawaaqay in uu Kaliil Xilka ka qaaday uuna nin kale magacabay.

Maxamed Cabdi Kaliil oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in aanuu Axmed Madoobe xilka qaadi karin ee cidda ka qaaday ay Itoobiya tahay. Waxa kale oo uu qiray in muddo sideed maalmood ah ay Itoobiya maxaabiis u ahayeen.

Halkan Ka Dhageyso Maxamad Cabdi Kalil