SAWIRO:-Arday Soomaaliyeed oo si qarsoodi ah dalka Turkiga tababar ciidan loogu siinayo

Dalka Turkiga waxaa tababar ciidan oo adag uga bilowday arday Soomaaliyeed, kuwaasi oo markoodii hore u tegay waxbarasho, balse shirkado ka howlgala dalka Soomaaliya ay ka dambeeyeen in la askareeyo ardaydaasi, iyagoo doonaya inay ilaalo u noqdaan madaxda sare ee shirkadahooda Soomaaliya ku sugan bacdamaa luqadda Turkiga ay si fiican u yaqaanaan.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowladda oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in shirkadaha Turkiga ee dalka ka howlgala qorshahaani uga dan leeyihiin inay ilaalo u noqdaan ciidamo Soomaali ah oo luqadda Turkishka ku wanaagsan.

Dhalinyaradan ayaa marka la qaadao loo sheegay in bari doono waxbarasho heer jaamacadeed ah,balse waxaa la geeyay xeryo malatari oo ku yaal Turkiga,qaar ayaa waqti u helay ina ka baxsadaan ka dibna tahriibaan.

“Qorshahaan lagu tababarayo boqolka ardayda Soomaalida ah ee dalkaasi wax ka barata ayay doonayaan Shirkadaha Turkiga inay uga baxaan dhibaatadii ka heysatay dhinaca ammaanka” ayuu yiri sarkaalkaan oo sheegay in Turkiga uu ku guul darreystay sidii uu luqadiisa u bari lahaa Soomaalida mudadii ay dalka yimaadeen.

Dhinaca kale Dowladda Turkiga ayaa horay tababaro ciidan dalkeeda ku siisay saraakiil ka tirsan qeybaha ciidamada Soomaaliya, kuwaasi oo iyagu la qabsan waayay luqadda Turkishka mudadii gaabneyd ee ay tababarka qaadanayeen.

Xarakada Alashabaab oo dagaal adag kula jira dhamaan Shisheeyaha soo duulay iyo kuwa la shaqeeya  ayaa marar badan ku celcelisay in Turkigu yahay cadow Soomaliyeed,una yimid Soomaaliya hanti boob,rabana inow ciidamaysto dhalinta Soomaaliyeed.

1234