DHAGEYSO:-Hooyo Baladweyne Joogta Oo Ka Hadashay Arrin Xanuun Badan.

34563464

Mid kamid ah hooyooyinka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka hadashay nolosha bulshada magaalada iyo inta ay gaarsiisan yihiin dhibaatooyinka ay ku qabaan ciidamada Jabuutiyaanka iyo kuwa Xabashida Itoobiya.

“Dhib walba oo la xiriira amniga, waxaa nooga daran anshax darrada ay wadaan ciidanka Jabuuti” ayey tiri’ hooyadan, oo intaasi ku dartay in maalin walba ay arkaan haween u xaroonaya ciidamada Jabuuti.

Ciidamada Jabuutiyaanka ayaa aad u faafinaya anshax darro, waxaana jirta in dhawaan ay magaalada Buuloburd ku faafiyeen muuqaalo xun xun oo ay ka duubeen haween Soomaaliyeed.

Voice Of Somalia-Somali Leaks