Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow oo ka mid ah Hogaamiyayaasha dhaqanka Gobolka Gedo oo la hadlayey warbaahinta ayaa waxaa uu ka soo horjeestay xilka qaadistii dhowaan Madaxweynaha Jubaland uu ku sameeyey Gudoomiyahii Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, isagoo xilka qaadistaasina ku tilmaamay mid sharci daro ah.
Ugaaska ayaa waxaa uu intaasi ku darey shirkii Dolow ka dhacay oo lagu wadey in dib u heshiisiin lagu sameeyo in markii dambe uu isku bedelay mid siyaasadeed, waxaana u aragnaa u aragnaa buu yiri in uu shirkaasi fashil ku dhamaadey. Ugaaska ayaa ku eedeeyey Saraakiisha Itoobiya iyo Axmed Madoobe in ay iska hor keenayaan mas’uuliyiinta Dowlada iyo shacabka degan Gobolka Gedo.
“Axmed Madoobe waxaa uu ka baxay balankii aan la galney, isbedel fool xun ayuu ka sameeyey Gobolka, waxay ahayd inuu maro degmooyinka Gobolka, shacabka uu la shiro, waxaan loo baahneen ayuu faraha la galey mana aqbalayno, haddii uusan arimaha taagan wax ka qaban waxay keenaysaa inaan kalsoonidii kala laabano sidaasi waxaa yiri Ugaas Maxamed Ugaas Xasan.
Ugaaska ayaa ugu dambeen waxaa uu iclaamiyey shirweyne ay isugu yimaadaan hogaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta Gobolka Gedo, kaasi oo uu sheegay in looga arinsanayo ayaaha Gobolka Gedo.
Cabdi Maxamed, Beled-Xaawo, gobolka Gedo/Somalia.
Xigsho:Allgedo Online