General Julius Karangi “Kenya Ma awoodo inay kasii mid ahaato howlgalka AMISOM ee Soomaaliya”

34563421

Taliyihii hore ee ciidamada Difaaca Kenya General Julius Karangi oo saxaafada la hadlay ayaa ku baaqay in si degdeg ah ciidamada Kenya looga soo saaro Dalka Soomaaliya.

Kenya ayaa ka howlgasha Gobalada Gedo iyo Jabooyinka iyadoo ka dhistay Maamul uu madax uyahay Axmed Madoobe.

Julius Karangi ayaa ku dooday in Ammaanka Kenya uu faraha ka baxay xili Musuqmaasuqa uu gaaray heer sare.

isagoo khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacay magaalada Nairobi ayuu sheegay in haddii Kenya aysan ciidankeeda kasoo qaadan soomaaliya ay lugaha lageli doonto fashil melleteri islamarkaana ay khasaari doonaan ujeedooyinkii laga lahaa duullaankii soomaaliya lagu qaaday.

“Ciidanka Kenya iyo kuwa AMISOM mar hore ayay isagasoo bixi lahaayeen soomaaliya balse waxay la’yihiin xukuumad awood leh oo ay ku wareejiyaan wadanka waa in dowladda Kenya ay ciidamadeeda lasoo baxdaa si fashil looga dhowro ujeedooyinkii loo galay soomaaliya”ayuu yiri Jen.Julius Karangi.

Mas’uulkan Kenyanka ah ayaa xaqiijiyay in dowladda Mareykanka ay diiday in ciidankeedu galaan soomaaliya islamarkaana ay ka baqayso wax lamid ah fashilkii muqdisho ku gaaray sanaddii 1993.

Dowladda Kenya ayaa duullaan gardarra ah kusoo qaadday soomaaliya sanaddii 2011 wixii xilligaasi ka dambeeyay ayay shabaabul Mujaahidiin iyana dagaalka u raratay gudaha Kenya.

“Ciidamada Kenya Ma awoodaan inay kasii mid Noqdaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, maadaama Al-shabaab weeraro kala duwan ay ka geysteen gudaha dalka Kenya dhaqaalahana uu hoos kaga dhacay siduu aha sanado ka hor“ayuu yiri Karangi.

Siyaasiyiinta iyo Axsaabta Mucaaradka Kenya ayaa ku celceliyay in Ciidamadooda laga soo saaro Somaaliya islamarkaana lagu xoojiyo sugida Ammaanka Gudaha Kenya.

Alshabaab ayaa Kenya udaba martay Gudaha Dalkeeda waxaana socda howlgalo Shabaabku kula wareegeen dhul Kenya ay ka taliso.