DHAGEYSO:-Taliyaha Ciidanka Jabuuti Ee Gobolka Hiiraan “Ciidamada Itoobiya ee ka Howlgalaya Gobolka Hiiraan kama Tirsana AMISOM”

34570324

Khilaafaad xooggan ayaa soo kala dhaxgalay ciidamada xabashida Itoobiya ee duullaanka ku jooga gobolka Hiiraan bartamaha soomaaliya iyo maleeshiyaadka Jabuuti ee qeybta ka ah afrikaanta dalka kusoo duushay.

Kabixitaankii ciidamada Itoobiya ee degmada Halgan ayaa banaanka soo dhigay khilaafka u dhaxeeya labada ciidan kadib markii Itoobiyaanku ay diideen in Itoobiyaanka ay u gudbiyaan dhanka Buula Burde.

Col. Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in saraakiisha ciidanka Itoobiya ee gobolka Hiiran ay Jabuutiyaanka khiyaameen ayna yihiin kuwa sharci darro ku jooga Somalia!.

“Kumanaan ciidamo Itoobiyaan ah oo aan kamid aheyn howlgalka AMISOM ayaa ku sugan gobolka Hiiraan iyo Galguduud waxayna ka amar qaataan Addis Ababa”ayuu yiri Dhimbil.

Wuxuu qiray in ciidamada Itoobiya ay dantooda ujoogaan qeybo katirsan Hiiraan iyo Galguduud ayna isku dayayaan in ay qabsadaan deegaanno kadibna isaga baxaan.

Taliyaha ayaa sheegay in tagista Halgan aysan markii horeba ahayn waxa uugu yeeray howlgal AMISOM,ku dhawaad 10-kun oo ciidamo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan gobollada Hiiraan iyo Galguduud kuwaasi oo gumeysi ku haya shacabka soomaaliyeed balse iska caabin ayay kala kulmayaan shabaabul Mujaahidiin.

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa horraantii sanaddii 2014 waxay ku dhawaaqday in ay ku biirtay waxa loogu yeero howlgalka AMISOM iyadoona shaatiga Midowga Afrika huwan ayay qabsatay magaalooyin iyo deegaanno soomaaliya katirsan waxayna isku dayaysaa in dhulka soomaaliya ay Addis Ababa hoos geyso.

Halkan ka dhageyso Col.Dhimbil oo Wareysi siiyay VOA MP3

Voice Of Somalia-Somali Leaks