Goodax Barre, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Xamar ee waddo mooshinka ka dhanka ah Xasan Sheikh ayaa si kulul u weeraray Xasan Sheekh.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ujeedada Xasan ay mooshinka uga keeneen ay tahay iney xadidaan awooda Xasan Sheekh oo uu ku sheegay inuu iska dhigay qofka ugu awooda sareyso dalka.
Sidoo kale wuxuu sheegay iney doonayaan iney joojiyaan faragelinta uu ku hayo dhamaan hayadaha dowlada Soomaaliya, sida inuu maamulo xafiisyada wasaaradaha dowlada iyo xukuumada dalka Soomaaliya. “ma dooneyno madaxweyne meel kasta isaga xukuma oo wasaarad kasta ku dhaca, annaga wax dhaqaalo ah ma dooneyno”
Voice Of Somalia-Somali Leaks