Taliska AMISOM oo qiray in Ciidamadoodu Xasuuq Wadareed Shacab ka geysteen Marka Sh.Hoose.

34598483

Taliska ciidamada shisheeye ee duullaanka kusoo qaaday dalka soomaaliya ayaa qirtay in ciidamadoodu ay shacab rayid ah ku xasuuqeen Koonfurta dalka soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ku qabtay Maman Sidikou oo ah  ergayga Midowga Afrika uqaabilsan arrimaha soomaaliya ayuu ku sheegay in ciidamadoodu ay xadgudubyo geysteen.

Wuxuu sheegay in ciidamadoodu 7 qof oo shacab ah ku dileen magaalada Marka ee xarunta shabeelaha hoose 31,july,2015,AMISOM waxay is rasmi ah u yaraysay khasaaraha ka dhashay xasuuqii ay ciidamadoodu ka geysteen magaalada Marka.

 “Waxaan qiraynaa in ciidamada AMISOM ay si khalad ah u dileen 7 shacab ah xilli ay ku sugnaayeen magaalada Marka ee Koonfurta soomaaliya,raalli gelin buuxda ayaan ka bixinayanaa khaladkaas”ayuu yiri Sidkou.

Xaqiiqda ayaa ah in 16 qof oo shacab muslimiin ah ay ciidamada shisheeyaha AMISOM ku dileen xasuuqii 2-aad ee ka dhacay magaalada Marka halka xasuuqi 1-aad lagu dilay 26 qof oo shacab ah.

Dowladda Federaalka ayaa weli ka aamusan xasuuq wadareedka lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed.

Voice Of Somalia-Somali Leaks