
Haddaba maxaan goor walba u cafinaynaa danbiilayaasha ? hadaanse cafinay kii dorraad gumaystaha u shaqaynayay , kan maantay hadba dagaan cusub dabka saaraya , kan had iyo goor u taagan inaan dadka maantay nool qofina ka harin si,aan danbigiisii agoonta loogu sheegin , maxaan wali ugu ogolnahay inay kaligood hogaanka siyaadda qabtaan oo hadba god madaw nagu tuuraan ?
Maxaan u aqbalaynaa inay marba magac noola baxaan , oo nagu beer laxawsadaan Ehel Walaalnimo ,iyo Islaanimo IWM ? waa dhab waa waqtigii agoonka loo sheegi lahaa ninkii aabihiis dilay , waxaa waqtigii maxkamada la saari lahaa burcadda siyaasada ee laynta shacabka codka iyo magaca ku raadsada , waxaa la hubaa in lala dagaalo oo bulshada horteeda laga leexiyo , inay ka dhibaato yaraan lahayd intay dadka horjoogi la haayeen oo hadba dab cusub na galin lahaayeen ,maxaa yeelay waa dulmiilawyaal aan wax khayr ah looga baran . Ayeeyadu waa inay wiilkeeda u sheegtaa ninkii awowgiis dilay , hooyaduna waa inay u xafidaa uur ku harka ninka asayda u saaray , umaduna waa inay aruurisaa akhbaarta burcada siyaasada si maxkamad loogo soo taago.
Anagoo arimahaas iyo kuwo la mid ah tixgalinayna waxaa nala haboon inaan Qawlaysatada na hortaagan waxay yihiin is waydiino , waxay galeen iyo waxay gaysteenna is xasuusinaa,taasaana igu kaliftay inaan qoraalkan sameeyo.
FADLAN AQRI:-Taariikhda Madow ee Cumar Xaaji Masalle?
Voice Of Somalia-Somali Leaks.