Waa la iska qaatay caruurtaydi Q1aad.
WQ: Layla Ahmed(Istaahil)
In badan ayaynu maqalnaa , reer hebel caruurtoodi baa laga qaatay, internetkana aan ka daawanaa ama ka akhrinaa isla taas.Sidookalena in badan baan tv-yada ka daawanaa HOOYO Soomaaliyeed oo calaacalasa oo caruurteedi ay dhashay aan waxba gacanta kaga hayn. Hadalada dhagaheena kusoo dhaca oo maskaxdeena raadka aan go’ayn ku reebana waxaa ka mid ah kuwan hoos ku qoran.
Hadalada ina taabta
”Way caruurtaydi baa la iga qaatay, soomaalinimadaa la igaga qaatay, muslimnimadaa la igaga qaatay, wadankaygi hadaan joogi lahaa waxaasi iguma dhaceen, gurigaygi inta la iska soo galay baa caruurtaydii aan dhalay gacantayda la gala baxay, caruurtaydi inta iskoolka loogu tagay baa la gala baxay(………) WAA LA ISKA QAATAYCARUURTAYDI!
Waxaan niyada iska dhahno Runtii qof walba oo soomaali ah ama bini aadamahba markuu HOOYO miskiin ah oo diif iyo dayac ka muuqato hadaladeedaas maqlo wuu ka murugoonayaa,wuuna ka calool xumaanayaa.
Qofka soomaaligaa oo damiirka lehna si gaar ah bay u sii taabanasaa, oo wuxuu aaminayaa in caruurteena bilaash loo qaato. In badan ayaan\ayaynu ciil hoosta ka ooynaa oo iswaydiinaa
”YAA RABBIII MAXAA DHIBKAN DHAN UMADA SOOMAALIDAA EE MUSLIMIINTAA DABA DHIGAY, MAXAAN GALABSANAY, MAXAY HOOYADAAS MISKIINTAA GALABSATAY?”
Waxaana niyada ku dhisanaa ” insha allah maalin maalmaha ka mid ah buu wadaynkaygi ii hagaagi doonaa, gaaladan aan dadnimo iyo diin midna waxka aqoona waan ka tagi doonaa. DULIYADA! Dumarkoodi caruur haday dhali waayeen ma kuwayaga qurxaha badan bay bilaash u qaadanayaan? oo caruur uga dhigayaan kuwooda caruur la’aantaa iyo kuwooda duqoobay! SOOMAALI ALOOW ADAA U MAQAN!
Voice Of Somalia- Somali Leaks