VIDEO+SAWIRO:Maxaa Kajira in Xaaladda Nololeed Ee Magaalada Baardheere ay dib usoo laabatay Xilli Ciidamada Itoobiya ay gumeysi ku hayaan Shacabka.

34611803

Ciidamada xabashida Itoobiya ee xoogga ku qabsaday gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay nabad ka dhigeen magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sawirro ay shisheeyaha Afrikaanta ah ku baahiyeen baramaha internetka ayaa muujinaya ciidamo farabadan oo ku dhax wareegaya magaalada Baardheere oo ah magaalada haawanaysa.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in warsaxaafadeed kasoo baxay waxa loogu yeero AMISOM lagu sheegay in nolosha caadiga ah ee magaalada Baardheere ay soo laabatay islamarkaana kumanaan katirsan shacabkii Baardheere ka qaxay ay guryahooda dib ugusoo laabteen.

Xaqiida ayaa ah in magaaladu tahay mid go’doonsan waxaana dhammaan waddooyinka Baardheere ku sugan gacanta ku haya ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Dadka fara kutiriska ah ee Baardheere ku nool waxay ka sheeganayaan sicir barar iyo gumeystah oo baaritaano dheeraad ah ku haya guryaha laga barakacay.

Hoos ka Daawo Sawirrada Itoobiya ee Baardheere.







Hoos Ka Daawo Muqaalka Magaalada Baardheere xilligii Shabaab  maamulayeen

Voice Of Somalia-Somali Leaks