Maamulka Jubba Oo Sheegay In Itoobiya Xaq U Leedahay Sameynta Maamulada Dalka.

34632110

Cabdi Nuur Cali Aadan oo ah wasiirka warfaahinta ee maamulka Axmad Madoobe ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin, weerarkii ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka geysatay xeradii tababar.

Wuxuu sheegay in weerarka uu ahaa mid aaney halkaasi ka filaneyn, taasna ay keentay khasaaraha faraha badan ee ka dhashay.

Mar wax laga weydiiyay kala shakiga dhexdooda iyo eedeymaha uga yimid dhanka DF ee ah iney si ula kac ah u dileen nin sarkaal ah, ayuu sheegay iney arimahaasi waxba kama jiraan yihiin, haddana uu socdo baritaan.

Sidoo kale waxaa su’aal laga weydiiyay shirkii ay Xabashidu ku qabatay Doolow iyo sababta keentay iney xilka ka qaadaan gudoomiyihii Gedo ee DF, soona masaafuriyaan.

Wuxuu ku ka carrabka ku dhuftay in Itoobiya xaq u leedahay arrintaasi, maadaama buu yiri’ ay wiilashooda ku le’anayaan wadanka.

Arrinta taa kasii daran ayaa ah in mar la weydiiyay su’aal ahayd haddii Itoobiya ku saxan tahay sameynta maamulada gobolada dalka, maxaa diidaya in sida horayba loo sheegay aad mar dhow tiraahdaan, annaga ayaaba Itoobiyaan ah, dekeddana aad ku wareejisaan, ayuu ku jawaabay: “maamul kasta isagaa xaq u leh inuu aayihiisa ka tashado”

Hadabaa hadalkan waxaa ka jawaabay nabadoon Ismaaciin Haaruun oo kamid ah waxgaradka Jubbooyinka.

Halkan ka dhageyso Hadalka Cabdi Nuur Cali Aadan Afhayeenka maamulka Axmad Madoobe

Halkan ka dhageyso Nabadoon Ismaaciil Haaruun