Xuseen Carab Ciise:Ciidamada AMISOM si iskood ah ayay u maamulaan Magaalooyinka Al Shabaab laga saaray Wax Xiriir ahna kalama dhaxeeyo Saraakiisha Dowladda.

34638254

Markii ugu horraysay xildhibaanada dawaaqiidda baarlamaanka dowladda Federaalka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga Soomaaliya aysan wax amar ah ka qaadan DF-ka.

Guddiga difaaca baarlamaanka ayaa boqolaal xildhibaan ka hor sheegay in saraakiisha ciidamada shisheeyaha AMISOM ay u xaqiijiyeen in wax xiriir ah uusan ka dhaxayn iyaga iyo wasaaradda gaashaandhigga.

“Kadib baaritaan dheer oo aan sameynay saraakiisha ciidamada AMISOM waxay noo xaqiijiyeen in xariir wanaagsan uusan kala dhaxayn wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga”ayuu yiri Xuseen Carab Ciise oo ah madaxa guddifaaca ee baarlamaanka DF-ka.

 Wuxuu sheegay in ciidamada shisheeye marka ay magaalada ka qabsadaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin aysan ku wargelin saraakiisha Soomaalida ah taasi oo shaki gelinaysa ayuu yiri madax banaanida dalka.

“Ciidamada AMISOM marka ay Al Shabaab ka qabsanayaan magaalo kalama tashtaan saraakiisha Soomaalida oo kaligoodu ayaa maamula magaalooyinka taasina shaki badan ayay abuuri kartaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xuseen Carab Ciise.

Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa magaalooyinka ay xoogga ku qabsadeen ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxay ka dhiseen maamullo si toos ah u hoos taga magaalada Jigjiga ee Itoobiya gumeysato.

Waxaa meesha ka baxay sheegashadii beenta aheyd ee madaxda DF-ka waxaana rumoobay hadalladii mas’uuliyiinta Shabaabul Mujaahidiin oo shacabka Soomaaliyeed uga digayay halista gumeysi ee ciidanka Itoobiya.

Liibaan  Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

somalimemo@yahoo.com