Reer Galbeedka oo qorshaynaya in AMISOM ay ka saaraan Soomaaliya iyo Maleeshiyaadkii Bedeli lahaa oo Tababarro loo furay.

34644384

Waxa loogu yeero Q.Midoobe iyo Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in la dhimayo qarashka ay ku bixayaan howlgallada ciidamada Afrikaanta ah ee duullaanka ku jooga soomaaliya.

N.Kay ayaa sheegay in saraakiil ka socota Midowga Yurub oo ku sugan soomaaliya ay bilaabeen mashruuc ballaaran oo lagu tababaro maleeshiyaad si ay ciidan ugu noqdaan dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ol ole ballaaran oo ciidamo loogu tababarayo dowladda Federaalka uu ka bilaawday deegaanka Jaziirra ee duleedka magaalada Muqdisho sidoo kalane maamul goboleedyada shisheeyuhu ka dhisay Kismaayo iyo Baydhabo iyana maleeshiyaad loo tababarayo.

Beesha caalamka ayaa horay ugu dhawaaqday in maalgelinta ay ku bixiso ciidamada shisheeyaha ee Soomaaliya kusoo duullay ay soo idlaan doonto sanadda 2017 sidaasi daraadeed lagama maarmaan ay tahay in ciidamadii bedeli lahaa AMISOM loo tababaro DF-ka.

Falanaqeeyayaasha meleteriga ayaa saadaalinaya waqtiga kooban ee harsan aan lasoo saari karin ciidamo awooda in xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ubabac dhigaan.



 34644417
Voice Of Somalia-Somali Leaks