Xasan Sheekh oo Lacago uu Xildhibaannada Mucaaradsan Ku Laaluusho u doontay Wadanka Imaaraadka Carabta.

34650156

Xilli khilaaf xooggan uu u dhaxeeyo madaxda dowladda Federaalka islamarkaana mooshin ka dhan ah Xasan Gurguurte uu horyaal baarlamaanka ayay soo baxayaan warar sheegaya in lacago laaluush ah ay adeegsanayaan saraakiisha Villa Somalia.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xildhibaanadii mooshinka keenay calaa xildhibaan loo ballan qaaday lacag dhan 100,000 oo dollar haddii uu saxiixo in uu mooshinka ka laabtay.

Shaqaalaha gaarka ah ee Xasan Sheekh ayaa maalmihii lasoo dhaafay hoteellada ku booqanayay xildhibaanada Mooshinka keenay waxayna ku wargeliyeen in ay jirto fursad lacago badan lagu heli karo waa haddii ay ka faa’iidaysan karaan.

Hoggaamiyaha DF-ka ayaa ballan ku qaaday in geed dheer uu u fuuli doono sidii uu usoo heli lahaa lacagtii lagu laaluushi lahaa xildhibaanada wuxuuna socdaal degdeg ah ugu ambabaxay magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka Carabta.


Xasan Gurguurte ayaa lafilayaa in boqorka Imaaraadka carabta iyo ganacsato ku heyb ah uu kasoo shaxaado lacago malaayiin dollar ah si uu ugu adeegsado marxaladda adag ee dhanka siyaasadda kasoo wajahday.

Imaaraada Carabta oo caan ku ah maalgelinta duullaanada lagu qaaday caalamka islaamka ayaa maamulka Xasan Sheekh u arka mid danahooda u adeegaya waxaana laga yaabaa in ay gacan ka geystaan sidii loo baajin lahaa mooshinka horyaal baarlamaanka daaquudka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi.
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@yahoo.com