DHAGEYSO:- Cabdi Mahad: “Indha Qarshe Ayaa Nagu Dul Gatay Isbitalka Martiini Hotel Ayaana Laga Dhigi Rabaa”

34656266 (1)

Afhayeenka ciidanka naafada ee deggan isbitalka Martiini oo lagu magacaabo Cabdi Mahad ayaa idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan u sheegay iney hanjabaad uga timid taliyaha ciidanka milatariga dowladda Indha qarshe, kaasoo ku amray iney guuraan, haddii kalana ay dhibaato la kulmayaan.

Wuxuu sheegay in iyagoo ah ciidan ku naafoobay difaaca dalka, gaar ahaan ku wax yeeloobay dagaalkii taariikhiga ahaa ee 1977 lala galay Xabashida Itoobiya, aaney mudneyn in sidan loo galo.

Xog ay heleen ayuu sheegay iney u caddeeneyso in Isbitalka ay dowladda ka iibsatay haweeney ka timid dalka Talyaaniga, taasoo dooneysa iney hotel ka dhisato.

Halkan Ka Dhageyso Cabdi Mhad

Voice Of Somalia-Somali Leaks