DHAGEYSO:-Sheekh Abuu Muscab oo Sheegay in Weerarkii Janaale Loogu Aargudayay Shacabkii AMISOM ay Ku Xasuuqday Magaalada Marka Sh/hoose.

34662987

Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka shabaabul Mujaahidiin ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay ku faah faahiyay howlgalkii Janaale wuxuna sheegay in uu ahaa mid loogu aargudayay dadkii shacabka ahaa ee ciidamada AMISOM ku xasuuqeen magaalada Marka.


Al Shabaab waxay sheegtay in ku dhawaad 50 askari Yugaandheys ah ay ku dishay dagaalkii Janaale islamarkaana ay gacanta ku dhigtay saanado melleteri oo ciidanka AMISOM lahaayeen.