Soomaaliya waxaa ku sugan Ciidamo konton kun kor udhaafaya oo ka socda dalalka Deriska iyo kuwa kale oo Afrikaan ah,
Ciidamadaasi ayaa ku bahoobay inay soo afjaraan Alshabaab oo ah Cudud aanan la dhayal san karin oo ka dagaalamaysa Dalka Soomaaliya islamarkaana gacantoodu ay gaartay Jabuuti,Kenya iyo Ugandha.
Dagaalka udhaxeeya Alshabaabul Mujaahidiin iyo Amisom wuxuu galay marxalada saddaxaad ee lagu yaqaano ciidamada ku dagaalama xarbul cisaabaadka ama inay isku dhacaan ciidamo aanan agab ahaan isku dhigmin.
Billo kooban Shabaabul Mujaahidiin waxay fuliyeen saddax weerar oo lagu soo afjaray Ciidamo ka socday Dalalka Ugandha,Burundi iyo Itoobiya.
Howlgaladaasi waxaa Fuliyay ciidamo gaar ah oo shabaabku ay ugu talagaleen inay dhintaan ama ay gaaraan Guul taasi oo keenaysa inaysan kasoo jeesan halka ay weeraraan.
Hadaba dadka falanqeeya dagaalada udhaxeeya Alshabaabul Mujaahidiin iyo Amisom ayaa sheegaya inay muuqato in Shabaabku yihiin cudud aanan dhinac loo dhigin bal ay yihiin kuwa katababar wacan Amisom islamarkaana ay ka doonis badan yihiin shisheeyaha dhanka dagaalka.
Alshabaab sidoo kale waxay leedahay qeyb sirdoon oo ka firfircoon Amisom iyo Dowladda Xasan Sheekh.
Waxay la fal galeen cadowgooda iyagoo helaya xogo iyo macluumaad dhameestiran oo ku aadan halka ay weerarayaan.
Alshabaab wey korortay awoodooda shakina kuma jiro oo waxaaa qiraya diblumaasiyiinta reer galbeedka ee ku sugan Muqdisho.
Amisom dhankooda waxaa Soomaaliya kaga dhintay askar badan kuwaasi oo la la’yahay cid badasha.
Waxaa baaba’ay gawaarida gaashaaman iyo kuwa dabaabaadka oo noqday kuwa in badan dagaalada lagu gubay halka kuwa kalana ay yihiin howlgal aanan lagu howlgali karin.
Xerooyinka Amisom ee Shabaabku weerareen laguma dhex arkin wax Taangi ah taasina waxay muujinaysaa in Amisom aysan heysan gawaarida dagaalka gaar ahaan Taangiyada oo ah kuwa kaliya ee ay u arkaan in Shabaab lagu celin karo.
Alshabaabna wey ogaadeen in xerooyinka aysan oolin Dabaabaadka taasina waxay fududeynaysaa inay si fudud ugu daataan xerooyinka Amisom.
W/Q Tifaftiraha mareegta sabaax.
Nagalada soo xeriir sabaaxonline@hotmail.com ama sabaaxonline@gmail.com